Ahlu sunnah oo Alshabaab ku Eedeysay dilkii Sheekh Maxamed Tahliil.
Bartamaha (Muqdisho):- Ahlu sunah Wal Jamaaca ayaa si aad ah u Cambaaraysay dilkii loo geystay Sheekh Maxamed Tahliil Gudoomiyihii Golaha Samadoonada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Ahlu sunnah  Degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud Cismaan Ciise Nuur oo saxaafada la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in Alshabaab ay dileen Sheekh Maxamed Tahliil Warsame.
Gudoomiyaha Guri-Ceel waxa uu cadeeyay in Alshabaab ayu yihiin kooxaha dilka ugu badan kla geysta dalka islamarkaana ay caada ka dhigteen in la laayo Dadka Waxgaradka ah ee Bulshada wax u qaban karaya.
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku sii daray in ay hayaan astaama cadayn karaya Dilkii Shalay dhacay in ay ka danbeeyeen Maleeshiyada Shabaabka waxa uuna xusay in raggii dilay ay galeen dhulka ay shabaabka ku xooganyihiin.
Masuulkan ayaa xusay in Alshabaab maleeshiyadooda aanay aqoonin Waxgaradka iyo Caalimiinta balse ay laynayaan cid walba oo wax u tari karaysa shacabka dhibaataysan Ee Soomaaliyeed oo muddo arkayay dilalka waxgaradka,Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada.
Shalay xiligii la isku diyaarinayay afurka ayay ahayd markii Deegaanka Ceelasha Biyaha si bareer ah rasaas madaxa lagala beegsanayay Allaha U Naxariistee Sheekh Maxamed Tahliil oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Samadoonada Soomaaliyeed.
Wadaadka la dilay ayaa la xasuustaa in uu soo muuqday xiligii ay dalka ka bexeen Ciidankii Ethiopia waxaana uu markaasi bilaabay dhisida Goalah Samadoonada Soomaaliyeed isagoo Fagaarayaal shacabka Muqdisho kala hadlay oo ugu baaqay in ay badbaadsadaan Magaalada.
Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Tahliil waxaa shalay dilay Koox afka soo xeratay oo rasaas la beegsatay xilli uu ku sugnaa Deegaanka Ceelasha Biyaha Duleedka Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay maamusho Kooxda Xizbul Islaam.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments