Calendar

Ahlu Sunnah iyo Dowlada KMG ah oo heshiis buuxa ku gaaray Magaalada Adiss-Ababa.

astaanta_dowladdaBartamaha(Adiss-Ababa):-Kulankii ka socanayay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa hishiis buuxa ku kala sixiixday Ahlu Sunnah iyo Dowlada KMG ah .
Kulanka oo heerar kala duwan soo maray waxaa ugu dambayntii lagu kala sixiixday hishiis buuxa oo ay wada gaareen Ahlu sunnah iyo Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadii lagu hishiiyay:-
-in Ahlu Sunnah ay si toos ah ula midoobayso Dowlada KMG ah Ciidan ahaan iyo Deegaan ahaan.
-in Ahlu sunnah la siiyo Wasiiro,Safiiro iyo Taliyaal Ciidan si ay Dowlada uga dhex muuqato.
Heshiiska waxaa dhanka Dowlada sixiixa ugu dhiftay Ra’iisul Wasaare Xigeenka Ahna Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaana dhanka AHlu sunna u saxiixay sida la sheegay Sheekh Maxamed Xayfow oo dhawaan laga dhigay Gudoomiyaha Fulinta Ahlu sunnah.
Xiliga shirka dhamaaday ka dib waxaa goobta hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay in guul balaaran ay u tahay Dowlada iyo ahlu sunnah in ay midoobaan.
Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo isaguna ka hadlay heshiiska ayaa waxa uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin oo ay ku mideysanyihiin dhammaan Culimada Ahlu sunnah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: