Calendar

Ahlu Sunna Waljameeca ” Meleeshiyaadka Shabaab waa ka saari doonnaa Gobolada Bakool iyo Baay”

WaljameecaUruruka Ahlusuna Waljameeca ayaa hanjaabaad kulul u jeediyay Mucaaraadka Alshabaab Ee ku sugan Gobolka Bakool inay ka saari doonaan dhamaan Deegaanada ku hareereesan Gobolada Bakool iyo Baay.

Saraakiisha ugu sarayso Ciidmada Ahlusuna Waljameeca ayaa kaga digay Shabaabka inay iskaga baxaan Goobaha yar ee haatan ku hareen Meleeshiyaadka Shabaab, haddii kale ay la kulmi doonaan jab ka daran kii ku dhacay Todobaadkii lasoo dhaafay.

Sheekh Cumar Abuu Xamza oo ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa wuxuu sheegay xilligan inay si toos ah uga wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan gobalka Bakool, isagoo meeshana aan ka saarin in ay dhacaan dagaalo xilli walba ah.

Abuu Xamza ayaa amaanay Ciidmada Ahlusuna Waljameeca isagoo ku amaanay inay qabteen holwgaladii laga filayay waxuuna carabka ku dhuftay Sarkaalkani in goor dhaw ay faraha ku dhigi doonaan Goobaha haatan u dhiman isagoo sheegay in Dagaal kula wareegi doonaan islamarkaana ay ciribtiri doonaan Mucaaradka Shabaab oo ku caan baxay inay mara habaabiyaan dhalinyarada yar yar aan waxba ogeyn oo ku dhamaatay dagaalada.

Hadalka kasoo yeraya saraakisha ugu sarayso Culimida Ahlusuna Waljameeca yaa kusoo beegmaya xilli dagaalo xun ay la galeen Kooxaha mucaaradka ku ah Dowaldda Ee Meleshiyaadka Shabaab, iyagoo horay ugu saaray Deegaanada Beled Xawo iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: