Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo beenisay kulan ay Addis-Ababa kula leedahay Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya .
Bartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa been abuur ku tilmaamtay war sheegayay in ay kulan la leeyihiin Dowlada KMG ah.
Guddoomiyaha Kooxda Ahlu Sunnah Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Yusuuf Xeefow ayaa sheegay in aanay wax kulan ah kula yeelan Dowlada Magaalada Addis-Ababa ee Dalka Ethiopia.
Xeyfow ayaa tilmaamay in madaxda maamulkooda ay  ku wada suganyihiin Gobolada dhexe islamarkaana aanay jirin wax masuuliyiin ah oo ay Addis Ababa u direen.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in kulanka Addis Ababa ay ka maqleen warbaahinta oo kaliya islamarkaana aanay jirin wax ay kala hadleen Dowlada ama masuul uga qeyb galay intaba sida uu hadalka u dhigay sheikh Xeyfow.
Dowlada KMG ah Wafdi ka socday oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi ka socday Ahlu Sunnah oo uu madax u ahaa  Macallin Maxamuud Sheekh Xasan  ayaa kulan ku qaadanayay dhawaanahan Addis Ababa.
Inta badan Ahlu sunnah madaxdooda ayaa waxa ay isku khilaafaan hishiisyada lala galayo Dowlada iyo raga loo xilsaarayo kulamada ay qaadanayaan Madaxda Dowlada iyo kuwa Ahlu Sunnah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments