Calendar

Ahlu Sunna oo Maamul Taageersan u Sameysay Gobolka Banaadir

Macalin-nur-300x225

Bartamaha (Muqdisho):-Ururka Ahlu Sunna Wal Jameecah ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay maamul cusub oo ururkaasi hoos imaan doona kaasi oo ka hawlgali doona gobolka Banaadir.

Xaflad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ayna ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowlada ku meel gaarka iyo ururka Ahlu Sunna oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xoghayaha guud ee maamulkaasi waxaa loogu magacaabay Sheekh C/qaadir Macalin Nuur.

Xubnaha kale ee maamulkan cusub ayaa la sheegay in dhowaan loo dhisi doono, iyadoola filayo in maamulku uu dhakhsi u hawlgalo.

Gudoomiyaha maamulka guud ee ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamud Xeefow iyo afhayeenka guud ee Ahlu Sunna Sheekh C/laahi C/raxmaan [Abu Yuusuf] oo ka hadlay munaasabada ayaa beeniyey inuu wax khilaaf ah u dhexeeyo Ahlu Sunna iyagoo si wadajir ah u shaaciyey in Ahlu Sunna ay u taagan tahay nabad ku sii celinta dalka.

Dhismaha maamulkan ayaa masuuliyiinta Ahlu Sunna sheegeen inay ka dambeyso sidii guud ahaan gobolka Banaadir iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho amaankeeda loo xasilin lahaa isla markaana looga hirgalin lahaa maamul u horseeda nabad.

Maamulkan cusub ee Ahlu Sunna u magacawday gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya xilli wafdi ka socda Ahlu Sunna oo ka yimid gobolka Galgaduud ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay u joogaan dhameystirka heshiiskii ay la galeen dowlada.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka hawlgala maamulo ay kala leeyihiin dowlada ku meel gaarka, Al Shabaab iyo Xisbul Islaam kuwaasi oo mid waliba siyaasadiisa gaarka ah fuliya iyadoo ay magaalada Muqdishana ka jiraan dagaalo u dhexeeya dhinacyadaasi kala duwan.

———-
Xigasho:- RBC

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: