Agaasimihii Horseed Media oo 6-Sano oo xarig ah iyo Ganaax lagu xukumay.
Bartamaha (Boosaaso):- Maxkamada Darajada 1-aad Ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta xukunkii ugu dheeraa ku riday Agaasime Idaacad Madax banaan oo shalay ay albaabada u laabeen Cidianka Puntland.
Agaasimaha Idaacada Horseed oo ka mida Warbaahinta ka jirta Puntland ayaa maantya waxaa lagu riday Xukun ka dib markii shalay laga soo qabtay Xarunta Idaacadaasi Horseed Media oo shalay la xeray.
Agaasimaha Horseed Media C/fataax Jaamac Mire ayaa saaka Maxkamad la soo taagay markii laga soo saaray Xabsiga dhexe Ee Magaalada Boosaaso oo xalay uu hoyday ka dib markii laga soo qabtay xarunta Idaacada.
Wariye C/fataax Jaamac Mire ayaa waxaa Eedeymaha loo jeedinayay Maxkamada ka hor aqriyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Darajada 1-aad kaasi oo u cuskanayay Eedeeymahaasi qalad uu ka galay Dowlada Puntland isagoo soo qaatay Waraysi shalay ka baxay Idaacada iyo Fidinka warar liddi ku ah amniga guud sida Maxkamada uu ka horsheegay Xeer ilaaliyaha.
Markii Maxkamada laga dhagaystay Eedeymaha ka dib ayaa waxaa Xukunka riday Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad oo Agaasimaha ku xukumay 6-Sano oo xarig ah iyo 500-$ oo ganaax lacageed ah.
Maxkamada ayaa la soo afmeeray mana jirin wax Racfaan ah oo fursad loo siiyay Agaasimaha guud ee Horseed Media Magaalada Boosaaso oo shalay albaabyada loo laabnayu wallow saaka hawada dib ay ugu soo noqotay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments