Agaasimihii guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Iscasilay
Garoowe _ Agaasimihii guud ee wasaarada waxbarasahada dowlada Puntland Maxamed C/wahaab Axmed ayaa iska casilay xilkii uu kahayay wasaarada waxbarashada Puntland.
Wararka ayaa sheegay in Agaasimuhu uu maalintii sabtidii warqadiisa is casilaada ugudbiyay madaxweynaha dowlada Puntland, iyo Wasiirka waxbarashada Puntland.
Inkastoo aan la ogayn sababta keentay inuu is casilo Agaasimiha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland, hadana warar hoose ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame.
Maxamed C/wahaab Axmed ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay xilkaasi hayay, isagoona horay xilkaasi ugala wareegay Maxamuud C/raxmaan Cuuke, kadib markii laga dhigay guddomiyaha gobalka Mudug ee Puntland.
Comments
comments