African Football: Waa awood sii koreysa inkastoo niyad jab weyn ku rideen hamigii koobka aduunka ee Qaarada Afrika
Dalka South Africa kooxdooda xulka Qaranka kubadda cagta oo ku harey wareegii kowaad ee cayaaraha aduunka 2010 ayaa noqonaya wadankii ugu horeeyay taariikhda ee martigaliya koobka Adunka oo ka soo bixi waayo jiirooniigoodii, taasoo ceeb weyn ku ah koobka aduunka.
Hasayeeshee wax kasto oo ceeb ku ah dalka martigalinaayo koobka aduunka sanadkaan, South Africa  waxaa kale weyn inay ka badiyeen dalka France oo lagu tiriyo dalalka ugu awooda badan kooxaha caalamka ka dhisan, islamarkaana 4 sanadood ka hor soo gaarey finalka ciyaaraha aduunka, sababtaas darteed guusha dalka Koonfur Afrika ee dalka France waxay ka dhigaysaa shaqadii ay qabteen xulkooda mid ay kula hanweynadaan.
Ka haritaanka kooxda Bafana Bafana ee koobka aduunka waxbo kama badalin farxada dadkooda iyo xafladaha ka socda guud ahaan dalka South Africa ee lagu weynaynaayo koobka aduunka, dalka South Africa waxa kale uu noqday wadankii ugu horeeyay ee qabta koobka aduunka ee aanan ku jirin dalalka ugu wanaagsan cayaaaraha caalamka.
Xulka South Afrika waxaa u wax badan ka fiicnaa xulalka kale ee Afrika ee ka qayb galaya koobka aduunka sida xulalka Cameroon iyo Nigeria, kuwaasoo taariikh ahaan lagu tiriyo awoodaha ugu xooga badan ee ka jira Qaarada Afrika,kubadda cagta marka laga hadlaayo, wax badan ayaan daawanay ama ka aqrisanay jaraa’idka cayaaraha kooxaha Afrika, waxaa ka maqan ugu horeyntii waa edaabta , kale dambaynta iyo isku xirnaanta koox ahaaneed( discipline,team work & organization).
Afrika waxay haysataa laacibiin badan oo laga qadariyo kooxaha waaweyn ee ka jira Qaarada Yurub laakinse ciyaar wanaaga iyo firfircoonida ka muuqato markasto oo laga rajo qabo xulalka Afrika waxa ka maqan waa wada shaqayntooda guud ahaaneed iyo maareynta maamulka xulalka/kooxaha.
Macalimiinta u dhashay dalalka Yurub (European coaches) ayaa mar walbo isku daya inay wax ka badelaan qaab ciyaareedka ciyaartooyda Afrikaanka ah islamarkaana siiya talooyin wanaagsan, kuwasoo ku caawiyay ciyaaryahanadaas inay samayn weyn oo muuqata ku dhex yeeshaan kooxaha ka dheela koobka Yurub ( European Leagues)balse sanadkaan iyo cayaaraha aduunka 2010 waxay noqdeen kooxaha Afrikaanka iyo ciyaaryahanadoodaba kuwa niyad jab weyn ku rida hamigii ay qabeen taageerayaasha Afrika kadib markii ay ku guul dareysteen inay soo bandhigaan ciyaar wanaag iyo firfircoonidii hore looga bartey madaama ay sanadkaan nasiib ugu yeesheen markii ugu horeysay taariikhda koobka aduunka oo lagu qabto dal ka mid ah dhulweynaha Afrika, laakinse dadka isboortiga wax ka qora taariikhda kubadda cagtana si wanaagsan u yaqaan ayaa qaba in kubadda cagta Afrika horumar weyn sameynayso islamarkaana si weyn u sii kobcaysa.
Inkastoo dalka Ghana xulkiisa u noqdey xulka kaliya Afrika ee u soo gudbey wareega labaad koobka Aduunka, hadane igama muuqato inay wax badan kaga duwan yihiin hab dhaqanka ciyaartooyda iyo xulalka dalalka Afrika oo mar walbo laga fisho guulo la soo shir tago kale daadsanaan iyo rajo beel, hadii cidi wax iska celin lahayd dalalka Afrika sanadkaan waxay ahayd in dalka Masar (Egypt) ciyaaraha aduunka ka soo qayb gali lahayd madaama ay hore 3 jeer oo is xigta u soo noqdeen horyaalka birta ah ee xulalka Qaramada Afrika.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA
[email protected]
London
Comments
comments