Afhayeenkii Kooxda Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo maanta iska casilay xilkii afhayeenimada Alshabaab.
Bartamaha(Muqdisho):-Shir’jaraaid oo ay maanta si wadajir ah meel Muqdisho ka mid ah ay ku wada qabteen Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu-Mansuur) iyo wakiilkii Alshabaab Ee Goboloada Dhexe Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali dheere) ayaa waxa uu Abuu-Mansuur si rasmi ah uu xilkaasi ugu wareejiyay Sheekh Cali Raage (Cali dheere).
Sheekh Abuu-Mansuur oo hadalka isagu bilaabay ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed uu ugu bishaaraynayo afahyueen cusub oo ay yeelanayso Kooxda Alshabaab taasi oo uu tilmaamay Roobow in manta laga bi;laabo xilkaasi uu ku wareejinayo Sh.Cali Maxmuud Raage oo noqonayo afhayeenka cusub ee koxdaasi.
Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali Dheere) oo dhankisa galabta la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu ku dadaali doono caddaalada iyo hadalka wanaaga uu ku dheehan yahay waxa uuna tilmaamay in wax walina uu wadatashiga ugu horayndoono.
Goobta ay xil warejinta ka dhacaysay ma jirin cid si rasmi ah oo saraakiil ah oo halkaasi ku sugnayd kuwaasi oo xilalkaasi magacaawday wallow ay labadaasi sargaal oo Alshabaab muddo ka dhexmuuqday ay manta si rasmi ah ay xilkaasi isgu wareejiyeen.
Sheekh Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur ayaa si kulul u beeniyay in kooxda uu afhayeenka u ahaa iyo isaga ay isku dhac dhex martay sidaana u jagadaasi isaga wareejinayo isagoo hadalkaasi ku tilmaamay mid ay faafinayaa kooxaha hormarka alshabaab ka soo horjeeda.
Isbadalka xilka afhayeenimada kooxda Alshabaab ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan ay kooxdaasi dagaalo is dabajoog ah ay ka bilaabeen gobolo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya taasi oo la sheegayo in khilaaf ay ka dhex abuurtay kooxdaasi gudaheeda.
Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com
Comments
comments