Calendar

Afhayeenka kooxda Alshabaab oo shirka Brussels ku tilmaamay mid lagu tuugsanayo

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay shirka Brussels ee New Deal ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay shir lagu khiyaameynayo shacabka Soomaaliyeed.

Cali Dheere ayaa sheegay in aanu aheyn shirkii u horeeyay ee dibada lagu qabto, isagoo tilmaamay in shirkan uu yahay mid lagu xoojinayo duulaanka Soomaaliya lagu soo qaaday iyo boobka kheyraadka dalka.

“Lacagaha labixinayo shuruudo ayaa ku xiran waxaana la rabaa in lakala boobo kheyraadka dadka Soomaaliyeed oo qolo walba waxay rabtaa in ay wax goosato, shiqroolkan iyo dhaqaalahan la bixinayo Soomaali uguma horreyso wayna ku khasaari doonaan insha Allah”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.  Sidoo kale Cali Dheere ayaa sheegay shirkan in shirkan lagu fadeexadeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo tilmaamay in yabooha lacageed ee loo balan qaaday aan la wada siin doonin, isla markaana dalalka reer Yurub ku caan yihiin in balamaha uga baxaan dowladihii hore ee Soomaaliya.

“Gaaladu waxay rabaan in ay Xasan Gurguurte uga siibtaan fashilkooda Soomaaliya, dhaqaalaha ma bixin doonaan kadibna Gurguurte ayay uga siibanayaan iyagoo oranaya wax waan ku siinay waxna waad qaban waysay iska tag, dhaqaalaha ay bixinayaan mujaahidiinta ayaa fashilinaya”ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay in sida caalamka ugu fashilmay Ciraaq iyo Afganistaan ay si la mid ah Soomaaliya ku socoto, isagoo cadeeyay in shirarka dalalka Yurub lagu qabyo ay tusaale u yihin fashilka duulaanada lagu qaaday dalalka Islaamka.

“Soomaaliya uguma horreyn in shirar shirqool ah dibadda loogu soo agaasimo waad ogtihiin sidii gaaladu lacagaha ugu yabooheen Xamiid Karzaay iyo CIyaad Calaawi dhammaantoodna waa fashilmeen oo waxa wadamadaasi ka socda waa la ogyahay oo Mareykanku isagaa qirtay in Ciraaq iyo afghanistan looga guuleystay”ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxaa uu baaq u jeediyay dalalka lacagaha yaboohay inay iska ilaaliyaan shallaay iyo khasaaro, isagoo xusay in natiijada shirkaas ka soo baxday aysan waxba ku soo kordhin doonin halganka Islaamiga ee ka socda Soomaaliya sida uu yiri.

“Waxaan rabaa in aan baaqyo ujeediyo jihooyinkan kuwa gaalada ah waxaan leeyahay lacagihiina ha iska khasaarina sandareera yar oo aad ka keenteen galey guduuda aad idihiina siisaan aad soo rartaan naguma gumeysan kartaan kheyraadka dalkeenana kuma boobi kartaan, waxaan dhihi lahaa qolada ridada ah Soomaaliya waxaad ujidayseen sunno xun oo waligeed ay ka faani jirtay oo ah tuugsi gaalo, gacan taagan un baad meelaha la tuugsanaysaan,waxba kama faa’iidi doontaan ogaada Tuugsi dowlad laguma noqdo, waxaan idin leenahay towbad keena oo diintiina u soo laabta”ayuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa Afhayeenka Al-Shabaab.

Shirka Brussels ee loogu magac daray New Deal ayaa dowladda Soomaaliya loogu yaboohay boqolaal malyuun oo dollar, kaasoo loogu tala galay qorshaha dib u dhiska Soomaaliya mudada saddexda sano, iyadoo shirkan ay ka qeyb galeen dhinacyada Soomaalida ee maamulada dalka oo ugu horeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: