Calendar

Afhayeenka Alshabaab ee Jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali ” Waxa nala dagaalamay waa Jabhadda ONLF iyo Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya”

W.yacquub

Bartamaha(Kismaayo):- Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay madaxa warfaafinta wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayuu  kaga warbixiyay xaalada deegaanka dhoobley oo ay ku dagaalameen ciidamada maamulka alshabaab ee jubooyinka iyo ururka Xizbul islaam garabka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Afhayeenka wilaaayada islaamiga ah ee jubooyinka  ayaa sheegay in ciidamdii soo weeraray deeganka dhoobley ay ahaayeen ciidamo uu watay Axmed Madoobe oo ay wehlinayeen Jabhadda ONLF iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo lagu soo tababaray wadankaasi Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadii shalay qabsaday deegaanka dhoobley ay isaga baxeen gabi ahaan deegaankaasi kadib markii  ay ogaadeen buu yiri in ay ku soo wajahanyihiin deegaankaasi ciidamo aad u qalabeysan oo sitay gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu sheegay in ay faaruqiyeen deegaankaasi dhoobley isagoo sheegay in ay aadeen dhanka xadka Kenya oo uu sheegay in ay markii horeba kasoo duuleen.

Sikastaba ha ahaatee hadalka kasoo yeeray maamulka alshabaab ee jubooyinka ayaa ku soo beegmaya xilli xoogaga alshabaab ee jubooyinka ay saaka la wareegeen gacan ku haynta deegaanka dhoobley ee ku yaal cirifka galbeed ee gobolka J/hoose.

Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: