Afhayeenada Dowlada Fd iyo Ahlu sunnah-Wal-jamaaca oo ka hadlay qaababkii ay ula wareegeen Deegaanka B/Xaawo.
Bartamaha (Balad-Xaawo) Afhayeenada Ciidamada dowlada iyo Kooxda Ahlu sunnah Ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay la wareegitaankii Ciidamadooda Ee Deegaanka B/Xaawo.
afhayeenka Maamulka Dowlada Ee Gobolka Gedo Cabdi Barre Cabdi ayaa sheegay in Ciidamadooda ay awood ku soo galeen Deegaanka B/Xaawo isagoo ku faanay in aanay jirin wax qasaara ah oo shacabka iyo Ciidankaba ka soo gaaray imaanshahoodii Deegaankaasi.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada dowlada ay u soo aadeen Deegaankaasi sidii ay goobtaasi uga saari lahaayeen kooxaha dhibaatada shacabka ku hayay iyo caburinta intaba.
Dhanka kale Afhayeenka Ahlu-sunnah wal-jamaaca Sheikh c/qaadir ibraahim cusamaan (Abuu-sakariya) ayaa sheegay in dhamaan koogaga dowlada taabacsan iyo ahlu sunnah waljamaaca ay soo gaareen deegaankaasi islamarkaana uu ilaah guusha ugu deeqay.
Sheikh c/qaadir Abuu-Sakaiya ayaa ku hanjabay in ay gaari doonaan dhammaan deegaanada ay dhibaatada ka wadaan Islaamiyiinta Mucaaradka isagoo sheegay in shacabka ay caleema ku soo dhaweeyeen taasina ay muujinayso culeska shacabka laga dulqaaday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments