Afawerki Madaxweynaha Eritrea oo Eedeyn culus u jeediyay Maraykanka.
Bartamaha(Asmara):-Madaxweynaha Dowlada Eritrea ayaa si xoogan u weeraray siyaasada Dowlada Maraykanka eek u wajahan Dalka Soomaaliya oo dhawaanahn sii noqonaysay mid gaabis ah.
Esseas Afwerki Madaxweynaha Eritrea ayaa si xoogan u dhaliilay Dowlada Maraykanka oo uu sheegay in ay sii qasayso Xaalada Dalka Soomaaliya oo ammaankiisa uu ahaa mid wanaagsan balse Hub ay u dhiibtay Dowlada lagu la’day.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Dowladiisa aanay wax lug ah ku yeelan Xaalada Dalka SOomalaiya balse Maraykanka ay Hub iyo Ciidan siiyaan Dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Eritrea ayaa waxa uu intaasi ku daray in Dowladiisa ay tahay mid garab taagan shacabka dhibanayaasha ah Ee Soomaaliyeed isagoo ku celiyay in aanu taageersanayn Dowlada ka jirta Somalia.
Dowlaha Eritrea iyo Maraykanka ayaa waxa ay si gaar ah isugu weeraraan hadalo kulkulul taasi oo salka ku haysa khilaaf ka dhashay arimaha soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments