Adis Ababa: Kullan dhax maray Shiikh Shariif iyo C/raxmaan Faroole.
Bartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed ayaa kullan ku dhexmaray magaalada Addis Ababa iyadoo la sheegayo in Kullankan uu ku dhamaaday isfaham labada dhinac ah.
Kulanka manta ee dhaxmaray Shariif Shiik Axmed iyo C/rahmaan Faroole ayaa lagu soo qaaday qodobo hordhac ah oo ku saabsan in masuuliyiinta dowlada ku meel gaarka iyo maamulka Puntland ay yeeshaan kulamo kale oo lagu xalinayo khilaafka iyo madmadowga soo kala dhexgalay labada dhinac sida uu BBC-da u sheegay La taliyaha Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Mudane. Cali Cabdi Awaare.
Xubnaha labada dhinac ayaa sidoo kale kulanka kaga hadlay taabagelinta heshiiskii sanadkii hore 2009 dhamaadkii ay ku gaareen labada dhinac magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kaasi oo u muuqday mid aan dhaqangelin., heshiiskaas ayaa dhinaca Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiisay R/wasaaraha Soomaaliya Mudane C/rashiid Cali Sharmaake.
Shirkan ay Shariif iyo C/rahmaan Faroole ay ku yeesheen Magaaladda Adis Abab waxaa Dhinaca dowlada Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa wasiirka maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka arimaha dibada Cali Axmed Jaamac Jangali iyo la taliyaha madaxweyne Shariif Mustafe Dhuxulow. Iyadoo dDhinaca Puntland ay joogeen wasiirka dowladaha hoose C/laahi Axmed Jaamac Ilka joor iyo wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa.
Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Federaalka maxaa saldhig u ah?
- Fulin la’aanta heshiiskii Raysawasaare Cumar Cabdirashiid iyo Dr.Faroole ku kala saxiixdeen Gaalkacyo
- Awooda Puntland ay u leedahay kheyraadkeeda dabiiciga ah
- Dawladda Federaalka oo dooneysa in qayb ka hesho Canshuuraadka Puntland.
- Magaca loogu yeerayo Puntland Maamul Goboleed mise Dawladda Puntland, sida hadda lagu qoray dastuurka Puntland
Kulankan maanta dhexmaray madaxweyne Sheekh Shariif iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ah midkii ugu horeeyey ee ay yeeshaan labada dhinac tan iyo intii ay ku kala keceen kulan ku dhexmaray Nairobi bishii November ee 2009.
Ibraahim Da’ud Cabdalle “Gentlemanâ€
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi,Kenya
Comments
comments