Adigoo Maqaayad Cunta ka cunaya haddii Madaxwayne uu soo galo Maxaad sameen laheyd.? + Sawiro
Brack Obama iyo Dmitry Medvedev oo ka wada cunteeyey Ray’s Hell Burger.
Madaxwaynaha dalka Mareekanka Barack Obama iyo Dhigiisa dalka Raash-ka Dmitry Medvedev ayaa cunto si wada jir ah ooga cunay meesha la yiraahdo Ray’s Hell Burger.
Maqaayadan la yiraahdo Ray’s Hell Burger eek u taala Arlington oo ka tirsan Virginia iyadoo isla goobtan ay Madaxwayne Obama iyo Kuxigeenkiisa Bidden ay ka wada cunteeyeen Sanadkii la soo dhaafay
Madaxwaynaayasha ayaa wada fadhiistay halmiis iyadoo ay dhinacyada ka fadhiyaan Turjumaanadooda balse si toos ah ayay markan u wada sheekeesanayeen.
Madaxwayne Obama ayaa dalbaday cheeseburger iyadoo isla Madxawayne Dmitry Medvedev uu dalbaday cheeseburger.
Balse waxa ay ku kala duwanaadeen cabitaanka hadalka Madaxwayne Obama oo dalbaday Shaah la qaboojiyay (Iced Tea), balse Madaxwaynaha dalka Ruush-ka Dmitry Medvedev waxa uu dalbaday Coke ama Coca-cola.
Madaxwaynaha dalka Ruush-ka Dmitry Medvedev oo ku sugan dalka Mareekanka ayaa kulamo wada hadal ah la yeshay Madaxwayne Barack Obama iyadoo labadan madaxwayne shirkooda kadib la filayo in ay warbaahinta la hadlaaan.
Brack Obama ayaa aaminsan in xiriirka dowladiisa iyo mida Ruush-ka la xoojiyo si mesha looga saaro dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Qaboobaa ee Midowgii Soviat iyo Mareeknka dhaxmaray.
Soomaalida Nasiib uma yeelan nabadan iyo kala danbeentay ka jirta dunida inteeda kalle, iska dhaafee in Madaxwayne aan aragno Cunta cunaya xitaa Madaxwaynaha Soomaalida marka uu dalka ka soo baxayo iyo marka uu ku laabanayo dartiis waxaa u dhinta dad aanan waxba galabsan.. Meshaas ayan aduunka ka joognaa?
——————————–
Tarjumidii Bahda Bartamaha
Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Bartamaha, Geeska Afrika
Xigasho:- Dailymail
sawiro dheer ah halkan ka daawo.
Comments
comments