Calendar

Abuu Mansuur oo cafis siiyay Saraakiisha Dowlada oo ay isku reerka yihiin.

shaba'Bartamaha(Baydhabo):-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo la kulmay Odayaasha Beesha uu ka dhashay ayaa u sheegay in ay cafis u fidiyeen dhammaan madaxdii Dowlada Bay Iyo Bakool.

Sargaalkan ka mid ah raga Alshabaab ugu sareeya ayaa shalay la kulmay Odayaasha Beesha uu ka dhashay oo dagta Bay iyo Bakool isagoo sheegay in ay cafis u fidiyeen Saraakiishii Dowlada ee goboladaasi.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Mansuur) oo la sheego in uu yahay Amiir Xigeenka ALshabaab ayaa waxa uu si cad ugu dhawaaqay cafiska guud oo ay siinayaan dadka Bay iyo Bakool u dhashay eek la shaqeeyay Dowlada.

Abuu-Mansuur ayaa qiray in ay dadka dagan Bay iyo Bakool si wanaagsan ula shaqeeyeen waxa uu ugu yeeray Mujaahidiinta isagoo sheegay in ay ku faransanyihiin talaabadii beesha dagta Baydhabo ay hubka u sisay Xarakada Alshabaab.

Anuu-Mansuur  oo xilli ahaa afhayeenkii Alshabaab ayaa waxaa la sheegay in xilkaasi looga qaaday markii uu cafis siiyay rag uu ku jiray Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay Baydhabo ku qabteen Shabaabka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: