Calendar

Abaaro dadka iyo duunyada laayay oo ka dilaacay Deegaano ka mida Woqooyiga Gobolka Gedo(Daawo Sawirada).

abaar2Bartamaha (B/Xaawo) Abaaro dadka iyo duunyadaba saameeyay ayaa lagu soo waramnayaa in ay ka dilaaceen Deegaano ka mida Woqooyiga  Gobolka Gedo halkaasi oo kormeer ay ku sameeyeen waxgaradka deegaankaasi.

Guddi kormeer ku gaaray qeybo ka mida Gobolka Gedo ayaa waxa ay tageen deegaanada qaninyaale, farad jiroow kamooroow iyo deegaano kale oo fara badan oo gobolka kamid ah kuwaasi oo ay abaaro dad iyo duunyaba saameeyay ay ka dilaaceen.

Macalin Muxumed Yuusuf Cadow oo ka mida ah gudiga u kuurgalayey abaraha ayaa sheegay in ay soo arkeen xaalado bini’aadanimo tii ugu darnayd waxaana uu sheegay in ay jiraan xoolo u dhamaaday biyo la’aanta iyo baadyarida abaaraha.

Gudigaas abaaraha ayaa sheegay in ay bilaabayaan biyo dhaamin lala gaaro dadkaasi ay noloshooda qatarta ku jirto ayagoona sheegay  in ay iska soo aruuriyeen lacagta ku baxayasa biyo dhaamintaa hase ahaatee aysan jirin cid kale oo gacan ku siisay  waxaana uu sheegay ay ugu tala galeen in ay biyo dhaamin sameeyaan mudo 10 cisho ah kadibna ay arki doonaan sida ay wax isku badalaan

Macalin muxumed ayaa ka codsaday dadka soomalida ah iyo jaaliyada dibada  in ay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan walaalahooda ay abaaruhu halakeeyeen waxaana uu sheegay in ay sii wadayaan dadaalka ku aadan ugurmashada dadka abaaraha ku mashaqoobay.

Sikastaba ha ahaatee biyo dhaamintani aya bilaabeen duqayda dhaqanka ee degmada ayaa imaanaysa xili qaylo dhaamn isku mid ah aya ka soo yeerayso qaybaha gobolku uu ka kooban yahay taasi oo ay ugu daran tahaya biyo la aanta.

Hadaba cidii ilaahay wax u dhiibay ee doonaysa in ay xag aaqiro wax ula baxaan haku soo hagaajiyaan

Tel:002521-5569776 oo laga helo macalin Muxumed Yuusuf Cadow

Tel:002521-5749852 Cabdulaahi Qaxwo

Daawo Sawirada:-

abaar2

abaar1

gudiga

abaar4

abaar3

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: