Calendar

Abaabul dagaal oo Dowlada ka wado Muqdisho.

muqdisho iyo dadkeedaBartamaha(Muqdisho):-Abaabul dagaal oo aad u xoogan ayaa ka socanaya Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya halkaasi oo Xiisad Colaadeed laga dareemayo.

Ciidamaada Dowlada KMG ah ayaa la galiyay heegankii ugu sareeyay waxaana aad loo soo buuxiyay dhammaan aagaga ay isku horfadhiyaan Cidianka Dowlada iyo Islaamiyiinta Mucaaradka.

Sida uu shaaciyay R/wasaare ku xigeenka ahna wasuurka kaluumaysiga iyo qayraadka bada c/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi waxaa socanaya abaabul Ciidan kii ugu sareeyay oo ay wadaan Saraakiisha Dowlada KMG ah.

Ibbi ayaa shaaciyay in dhamaan Ciidanka ay heegan galeen islamarkaana uu ciidanka ku dhex jiro Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo saraakiisha dhanka ammaanka.

R/wasaare ku xigaanka waxa uu xusay in dhamaan askarta Dowlada ay niyadooda dhisantahay dhawaana ay xuraynayaan magaalada Muqdisho oo ay ku suganyihiin Koxaha Mayalka adage ee Shabaab iyo Xizbul Islaam.

Prof C/rixmaan Xaaji Aadan Ibbi waxa uu balan qaaday in dhawaan shacabka ay raxmad dareemi doonaan markii laga dulqaado Kooxo Ajaanib u badan oo dalka Colaad ka waday.

Ibbi waxa uu cadeeyay in Madaxweynaha uu haatan u istaagay howlgalinta askarta islamarkaana uu Xalay jeefsaday aaga hore ee Dagaalka.

Hadalka Dowlada ka soo yeeray ayaa waxa cadayn u ah dhaqdhaqaaq xoog badan oo saaka laga dareemayay aagag badan oo ay ku suganyihiin Ciidanka Dowlada iyo Islaamiyiinta oo ka soo horjeeda.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: