Aadan Madoobe oo is casilay iyo Shariif oo sheegay in uu Ra’iisul wasaare soo magacaabayo.
Bartamaha (Muqdisho):-Shir jaraa’id oo ay Maanta si wada jir ah magaalada Muqdisho ugu qabteen Madaxwaye Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Aadan Madoobe waxay shirkaasi ooga hadleen khilaafka xukuumada iyadoo Gudoomihii Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe uu sheegay in uu is casilay.
Aadan Madoobe waxa uu yiri “ Markii aan arkay khilaafaadka sii kordhaya ee dowladda iyo xaaladd xasaasiga ah ee dalku marayo waxaan go’aansaday in aan u tanaasulo danta shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan sidaas darteedna waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in aan ka degay xilkii guddoomiye nimada baarlamaanka somaliaâ€
Madaxwayne shariif ayaa ka aqbalay Shiikh Aadan Madoobe istiqaalada uu I soo gudbiyay, Madaxwayaha ayaa kadib amaan u soo jeediyay Aadan Madoobe sida wanaagsan ee uu xilka uga tanaasulay.
Dhan kalle Madaxweyne Sheikh Shariif waxa uu tilmaamay in uu soo magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisi doona dowlad cusub, taas oo macneheedu yahay in ay dhacday dowladda uu ra’iisulwasaaraha ka yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
“ Waxaan ka cudur daaraneynaa khilaafaadkii baarlamaanka, waxaan u tacsiyeyneynaa dadkii ku dhintay dagaalladii shalay dhacay, ilaaheyna ha u naxariisto†“ looma baahna in aan ku mashquulno khilaafaad dhexdeenna ah, iyadoo ay dalka joogaan cadow goostay in ay dhibaateeyaan shacabka†ayuu yiri madaxweynaha, oo ugu baaqay Sheikh Aadan Madoobe in u ka mid noqdo dowladda cusub ee Soomaaliya.
“Anigu dhankeyga waxaan aqbalay in aan soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo karti leh, isagana waxaan ugu baaqayaa maadaama uu yahay nin oday ah oo nala soo shaqeeyay waxaan ugu baaqayaa in uu ka mid noqdo dowladda cusub†ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo shacabka soomaaliyeed u rajeeyay horumar iyo in dalku nabad noqdo.
Kullan ay baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaay magaaladda Muqdisho May 16, 2010 ayaa ku dhaamtay buuq iyo is fahamdaro inkastoo Shiikh Aadam Madoobe uu warbaahinta u sheegay in ay Baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala laabteen Xukuumada, balse isla Baarlaamanka ayaa haddana u codeeyay in ay rideen Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Adam Madoobe.
Bartamaha, Nairobi,Kenya
Comments
comments