Calendar

Aadan Garaaso “Dowlada Magaceeda kuma dagaalamayno Ee reer Hiiraan is difaacaya ayaan nahay…”

aadan-garaasoBartamaha(Balad-Weyne):-Aadan Cabdi Ciise Garaaso Duqii hore Ee Magaalada Balad-Weyne ayaa daha ka qaaday in ay ku dagaalamayaan magaca difaacayaasha Gobolka Hiiraan.

Aadan Garaaso ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay taageersan yihiin balse aanay magic ahaanteeda dagaalka kula galin Xizbul Islaam oo awood ku qabsatay Magaalada Balad-Weyne.

“Dowlada Magaceeda kuma dagaalamayno Ee reer Hiiraan is difaacaya ayaan nahay… Dowlada waan gareynaa marka aan difaacno oo aan xureyno gobolka aan ka soo jeedno” ayuu saxaafada u sheegay Aadan Garaaso.

Masuulkaasi ayaa waxa uu bulshada reer Hiiraan ka dalbaday in ay garab istaagaan Ciidamada deegaanka si meesha looga saaro kooxaha qaska ka wada gudaha Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: