70 sano iyadoon Cunto la cunin ama aan Biyo la cabin mala noolaan karaa….? Sheeko Cajiib ah.
“Nin aduun joogow maxaa aragti ku laabanâ€
Haddii aan Cunto iyo Biyo la’aan aan la noolaan karin aduunka ma is leedahay aduunka qof 70 sano aanan waxba cunin ayaa ku nool?
Prahlad Jani waa nin u dhashay dalka India da’diisuna waa 82 jir wuxuuna ku doodayaa in uusan cunin ama uusan waxba cabin 70 sano.
“Ma xasuusto xilliga saxda ah ee iigu danbeesay wax in aan cuno ama aan cabo balse waa xilli hore†ayuu yiri Prahlad Jani
Arrintan ayaa dad badan ka yaabisay iyadoo Prahlad Jani hadda la seexiyay hospital si baaritaan loogu sameeyo.
“Inkastoo 100 ilaa 200 kilometer aan socdo dhulka Keenta ah ama baadiyahha haddana ma daalo hurdana ima qabato iskaba daa in aan wax cuno ama cabo†ayuu yiri Prahlad Jani
Dhaqaatiirta waxa ay ku qiyaasaan in qofka uu noolaan karo biyo la’aan ugu yaraan hal todobaad iyadoo cuno la’aana la noolaan karo ugu yaraan hal bil intaas wixii ka badana uu qofka u dhiman karo oon ama baahi.
Prahlad Jani waxaa la dhigay Hospital ku yaala Gujarat oo dalka India ahiyadoo mudo 15 beri ah oo uu ku jiray ay dhaqaatiirta sheegeen in uusan waxba cunin ama uusan cabin. Iyadoo haddii mudo uu ku sii jiro hospital-ka ay suuragal tahay in hadalka uu sheegay ee ah in uusan waxba cunin 70 sano ay suura galtahay.
Shir jaraa’id oo ay dhaqaatiirta ku qabteen Sterling Hospital oo ku yaala Magaaladda Ahmadabad uuna goob joob ka ahaa Prahlad Jani ayuu saaxaafada u cadeeyay in 15 beri oo ay dhaqaatiirta baaritaan ku hayeen waxna uusan cabin waxna uusan cunin in ay suuragal ka dhigi karto in hadalkiisa la rumeesto.
Dhaqaatiirta ayaa la filayaa in ay arrintan baaritaan dheer ku sameeyaan waana arrin aynaan wali dhaqaatiirta u arag iyadoo la filayi in mudo sadax bilood ah kadib ay waxbirin ka soo saari doonaan.
Prahdlad Jani oo ah nin Musjiso ku noqday dhaqaatiirta ayaa ah Wadaad diinta Hinduuga heesta isagoo ku caan baxay in uusan waxba cunin waxna uusan cabin.
Runtii waa sheego cajiib ah.
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentlemanâ€
[email protected]
Bartamaha Nairobi, Kenya
qoraalkan waa English ah halkan ka fiiri
Comments
comments