read more »">

Calendar

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

Waxaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka soctay booliiska howlgalka midowgga Afrika ee AMISOM.

Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif waxaa ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo taliyaha qeybta booliiska gobolka Kol. Isaaq Cali C/dulle iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.  Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku sheegay ujeedada socdaalkooda in ay u kuur gelayaan xaaladda dhabta ah ee ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Beledweyne oo dhowr mar ay saraakiisha ciidamada Jabuuti tababar siiyeen.

”Halkan -Beledweyne- waxaan u nimid sidii aan wax badan uga ogaan laheyn xaaladda ciidamada booliiska gobolka Hiiraan iyo sida ay u shaqeeyaan, iyo waliba in aan soo gaarsiino agab ay ku shaqeeyaan ciidamada oo isugu jira dareyska iyo waliba koofiyadaha rasaasta looga gaashaanto,” ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay soo dirri doonaan guddi qiimeyn ku sameyn doona saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo sida uu sheegay dib u habeyn lagu sameyn doono, isaga oo intaa ku darray in saldhiga xarun dhexe looga dhigi doono tababarada ciidamada booliiska ka howlgali doona in badan oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.  ”Saldhiga booliiska Beledweyne waxaa u soo dirri doonaa guddi qiimeeya si dib u dhis loogu sameeyo, waayo waxaa u qorsheynay in uu saldhiga ama xarun dhexe u noqdo tababarada la siinayo ciidamada booliiska ka howlgala qaar ka mid ah gobollada dalka,” ayuu yiri taliyaha.

Jen C/xakiin Daahir Saciid ayaa intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya ciidamada booliiska ka howlgala magaalada Beledweyne heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin, isaga oo ku amaanay sida ay isaga xil saareen sugida nabad-galyada magaalada Beledweyne.  ”Sidoo kale ujeedada socdaalkeena ku dhawaaqista in si rasmi ah halkan uga bilaabi doonaan saraakiisha ciidamada booliiska AMISOM tababarada la siinayo ciidamada booliiska Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliyaha.  Si gaar ah waxaa uu amaan ugu jeediyay saraakiisha ciidamada Jabuuti oo sida uu sheegay siweyn isugu howlay dib-u-dhiska ciidamada maamulka gobolka iyo ku gacan siinta sidii loogu guuleysan lahaa nabad-galyada xiligan ka jirta magaalada Beledweyne.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: