Algeria (www.Bartamaha.com):- Saraakiil u hadlay dowladda Algeria ayaa sheegay xaaska iyo seddax caruur ah oo uu dhalay korneel Qadaafi in ay gaareen dalka Algeria
Wasiirka arrimaha dibadda dalkaas ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay xaaska Qadaafi Safiya iyo gabadheeda Caa’isha iyo labadeeda wiil Muxamad Xanibal ay gaareen isniintii magaaladda Algers iyago watta gaari.
Dhinaca kale Mucaaradka Libya ayaa soo bandhigay xabaal wadareed ka dhacay koonfurta galbeed ee magaaladda Ein Zara oo u dhow Tripoli.
Waxa la aamin san yahay in ay uu geestay wiilka u dhalay Korneel Qadaafi ee lagu magacaabo Khamis waana sarkaal hogaamiya guuto
Ilaa 100 rag ayaa la sheegay in halkaas lagu dilay kuwaas oo diiday in ay dagaalamaan oo ka soo horjeestaan Mucaaradka.
Si kastaba waxa ilaa hadda aan la ogeyn halka uu sal dhigtay hogaamiyihii 40-sano ka arriminaayay dalka Libya.
Guddoomiyaha Midowga Africa Jaen Bing ayaa ugu baaqay Korneel Qadaafi in uu soo gaba gabeeyo xukunka oo uu ka dago.
Dadka reer Libya ayaa maanta ciidaya markii ugu horreysay oo ay ka xuroobeen Kaliye Taliye Korneel Qadaafi.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdish Bartmaha.com
Comments
comments