Calendar

4 askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya oo maanta lagu fuliyay xukuno dil toogasho ah

76347_10201483740753531_1746373051_nMaxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka Dilal toogasho ah ku fulisay 4 Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya,Toogashada oo ka dhacday  Fagaaraha Iskool Buluusiiye ee degmada Xamar Jajajb ee gobolka Banaadir ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha ugu sareeya ciidamada iyo maxkamadda ciidanka qalabka sida.

Askarta la toogtay ayaa ay maxkamaddu ku heshay iney horay dilal u gaysteen,gudoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Col.Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in ciidanka Maanta la toogtay ay ku heleen iney laayeen shacab Soomaaliyeed.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa qaarkood daawanayeen qaabka toogashadu ay u dhacaysay iyadoo dadweyne badan ay halkaas soo dhoobteen.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: