Calendar

Indhaca Cadde oo Ciidankiisa udiyaarinaya Dagaallo ay lagalaan Kooxaha Islaamiyiinta ah.

indhacade1BARTAMAHA (Muqdisho):-Hoggaamiyaha caanka ah ee hadda dowladda Somalia lamidoobay Yuusuf Max’med Siyaad Indha cadde ayaa shaaca ka qaaday in Ciidankiisu ay wajahayaan dagaallo ka dhan ah Islaamiyiinta.

Indha Cadde ayaa durbadiiba bilaabay in uu howlgeliyo Ciidankiisa si ay difaac ugu noqdaan Dowladda Federaalka oo uu ku tilmaamay Dowlad islaami ah.

Warar Hoose oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in Ciidnaka Indha Cadde lagu xareeyay Villa Baydhabo islamarkaana ladoonayo in dowladda ay ku yeeshaan Gunno dhaqaale.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidanka Indha Cadde loo qaybiyay Darees iyo Hub ay Dowladda ugu deeqeen Ciidanka AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda beesha Ceyr ayaa la sheegay in Xalay ay Villa Baydhabo ay ugu Khodbadeeyeen Ciidanka iyagoona usheegay in ay yihiin Xaq udirir ku jira Jihaad waxaana Wasiiradaas kamid ah C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Indha Cadde ayaa shalay Warbaahinta usheegay in Hay’adda Culimadu ay Fatwo ugu sheegeen Waajibnimada la dagaalanka Kooxaha islaamiyiinta ah.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Somalia ayaan si qota dheer u aamini dooni Indha Cadde maadaama uu yahay Hogaamiye is bed bedel badan.

BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia

Sponsored Link | Somali Youth Summit 2009 Minneapolis

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: