Calendar

Caasha Axmed: Madaxweynaha & Raiisul Wasaaraha ayaa na hortaagan

caasha
Caasha Axmed Cabdalla oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Madaxweyne Shariif iyo Raiisul Wasaare Sharmarke inay diidan yihiin in baarlamaanku isku yimaado oo uu yeesho fadhi.

Dhagayso Waraysiga

Xildhibaan Caasha Axmed oo wareysi siisay BBC ayaa waxa ay sheegtay in baaralamaanka loo diidan yahay inuu shiro, taasi oo sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, uu dhawr jeer ka codsaday baarlamaanka in fadhigiisa dib loo dhigo uu muddo la siiyo.

Waxa ay ku eedeeysay dowladdu in ay diiday inay wax ka qabato dhibaatooyinka heysta baarlamaanka ee xagga ammaanka iyo in dib loo dayactiro xaruuntii baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo tusaale u soo qaadatay dhinaca kale in xitaa gunnooyinkii la siin jiray xubnaha baarlamaanka laga goostay.

Caasho Axmed Cabdalla waxay sheegtay in Ra’iisul wasaaraha isna uu ka mid yahay xubnaha hor istaagan in baarlamaanku fariisto, iyadoo sabab uga dhigtay in ay diidan yihiin in lala xisaabtamo dowladda oo ay ku eedeeysay inay danbiyo badan galleen oo ay ka mid tahay duqeynta dadka rayidka.

____

Xigasho BBC

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« Next Post »

Comment: