200 BILYAN SH. Somali oo dowladda KMG ay keentay magaalada Muqdisho
Bartamaha (Muqdisho) Dowlada Soomaaliya ayaa keentay magaalada Muqdisho lacag Shillin Soomaali ah oo gaaraysa 200 oo BILYAN, lacagtaan ayaa ah lacag lagu soo sameeyay dalka Sudan lagana soo dhoofiyay magaalada Khartoum.
Lacagtan oo ah mid aad utira badan ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Lacagtan ayaa lagu xareeyay bangiga dhexe ee Soomaliya waxaana ilaalinayay ciidamo xoog leh markii loo sii waday bangiga.
Lacagtan ayaa waxay Muqdisho imaaneysaa iyadoo boqolkii dollar Muqdisho lagu kala sarifto 3,100,000 Shillin Soomaali ah, lamana oga saameynta ay lacagtan cusub ku yeelan doonto sarifka lacagta doolarka oo inta badan lagu saleeyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.
Dowladda Puntland ayaa iyaduna qaadacday oo diiday inay isticmaasho lacagtan cusub.
______
Xafiiska wararka Bartamaha Xamar
Comments
comments