Calendar

150 dukaan oo Soomaali leedahay oo lagu bililiqaystay dalka koonfur Africa

Inkabadan 150 dukaamo oo ay lahaayeen Soomaali ayaa boob loogu geystay magaalada xeebta ku taal ee dalka Koofur Afrika ee Port Elizabeth afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Boobka loo geystay goobaha ganacsi ee Soomaalida ayaa waxa uu ka bilowday dilka wiil 19 jir ah oo ku dhashay dalka Koofur Afrika kaas oo la sheegay in uu ka dambeeyay ganacsade Soomaali ah kadib markii ay ku murmeen Axadii aynu ka soo gudubnay kaarka ku hadalka taleefan.

Afhayeen u hadashay booliska Sibongile Soci ayaa in illaa iyo 150 dukaan la boobay isla markaana uu boobka ku sii fidayo deegaamo kale.

“Illaa 111 ruux ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo loo haysto arrimo la xiriira dhaca dukaamada, dadkaasina maxkamad ayaa la soo taagi doono toddobaadkan.”ayay tiri haweeneydan u hadashay booliska dalka Koofur Afrika.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: