Calendar

Xaalad lagu tilmaamikaro mid aad u qatar badan ayaa waxay soofood saartay hooyo Soomaaliyeed oo la ildaran nabar

deeqaXaalad lagu tilmaamikaro mid aad u qatar badan ayaa waxay soo foodsaartay hooyo soomaaliyeed oo la ildaran  nabar kaga soo baxay wajiga iyo dhuunta  hooyadaas oo ka mid ah dadkii ku Barakacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Deeqo Cabdi Axmed  ayaa marka muqaal keeda la eego waxa uu u muuqanayaa mid daashaday xanuunka nabarkan oo ka soo baxay  dhuunta gudaheeda iyo wajiga qaybahiisa hore .

Waxaa xusid mudan in la geeyey isbitaalada gudaha magaalada Muqdisho qaar kood sida cisbitaalka Fiqi iyo kuwo kale waxaana dhaqaatiirta ay sheegeen in aan gudaha dalka waxba looga qaban Karin waxaana xanuun kan uu hayaa mudo  in kabadan 2 bilood .

Dhaqaartiirta sheegay In gudaha dalka waxba looga qaban karin  waxaa kamid ah Dr Fiqi oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howl gala gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo barakacay .

Deeqa Cabdi Axmed waxay ka dhalatay qoys danyar ah oo aan awoodin in ay dalka dibadiisa ku soo daaweystaan gabadhooda sidaas dareedeed ayey ugu soo bandhigeen walaalaha muslimiinta somaliyeed iyo cidii gacan ka geysan karta samata bixinteeda .

Ugu danbeyntiina  hooyo Deeqo Cabdi Axmed waxa ay bulshada caalamka ugu baaqaysaaa cid allaala iyo cidii  wax u qaban kartaa in ay la soo gaaraan kaalmo bani aadanimo oo degdeg ah kadib markii dhaqaatiirta ay ku war galiyeen hooyo Deeqo xanuun ka haya Inuuu yahay mid aad Qatar u, ah sababi karana in ay xiranto dhuunta gudaheeda .

Sidoo kale waxaa xaalada caafimaad ee hooyadaan  ka deyriyay qaar katirsan culimaa u diinka Soomaaliyeed oo uu kamid yahay Sh. C/fitaax Aweys Abuuxamsah waxaana u sheegay markii uu arkay hooyadaa xaaladeeda in ay Qatar tahay oo ay ku dhowday in dhuunta hooyadaan ay xiranto .

Cidii daneyneysa in ay wax u qabato Deeqa Cabdi hala soo xiriirto Cabdi Muse Maxaay ama Caabiyo Ciise oo laga helo :
Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 iyo Rooble Jaamac oo laga helo 612-490-3562

ama si toos ah ula soo xariir [email protected]

Comments

comments

Category : HELP - CAAWI, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: