Calendar

100-Haween oo Xizbul Islaam ay sharci daro ku tacsiirtay gudaha Degmada Afgooye .

tasiirrrBartamaha(Afgooye):-Haween gaaraya 100-haween ah ayay Kooxda Xizbul Islaam sharci daro ku tacsiireen Deegaanka Afgooye iyadoo uu arinkaasi khilaaf xoogan ka dhashay.

Fagaara ku yala Degmada Afgooye ayaa lagu tacsiiray Haween ka ganacsanayay qaadka oo ay maleeshiyada Xizbul Islaam ka soo uruuriyeen Xaafadaha Afgooye kuwaasi oo tacsiir lagu fuliyay.

Ciidamo Xizbul Islaam ka mida ayaa waxa ay qabqabteen Haween aad u fara badan oo ay sheegeen in ay shuruucda ku xad gudbeen wallow aanay u cuskan shareecada xiliga la xukumumayay.

In ka badan 40-jaydal ayaa haweenay waliba oo ka mid ahayd haweenka la qabqabtay kuwaasi oo tacsiir lagu fuliyay iyagoo dhawaq ay ku diidan yihiin ku dhawaaqayay xiliga fagaaraha lagu garaacayay.

Inta badan Islaamiyiinta ayaa waxa ay sameeyaan xukuno Tacsiir ah oo aan qaar ka mida shareecada Islaamka ku salayneen maadaama ay dadka wax xukumayaa ay yihin kuw aaan khibrad u lahayn shareecada Islaamka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: