Calendar

10 qof oo Gaajo iyo Macluul ugu Geeriyootay Duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho

mogadishu-map-300x225Bartamaha (Mogadishu):- Dhibaato Beni aadanimo oo aad u daran ayaa soo wajahday Barakacayaasha Beesha Mudulood ee ku Barakacay dhanka Bari ee magaalada Muqdisho kadib markii ay Hilmaameen Hay’adaha Samafalka iyo Dadka deeqda bixiya.

Mid kamida Dadka deegaanka ayaa RBC u xaqiijiyay 10 qof oo Barakacayaal ah ay u dhinteen Gaajo iyo nafaqa daro saamayn weyn ku yeelatay Haweenka,Caruurta iyo Dadka Da’da ah ee ku dhibaataysan bariga magaalada .
Macluul aan Indhaha laga eegan karin ayaa lagasoo sheegayaa inay ka jirto deegaanada kala ah Ceelcadde,Gubadleey,Cisaleey iyo deegaano badan oo dhaca xeebta Bari ee magaalada Muqdisho, Cali Cabdi Fiidow ayaa RBC u sheegay in shalay oo Jimca ah ay duugeen 4-caruur ah oo u dhintay Cudurka shubanka kadib markii ay

Biyaha caadiga ah u isticmaaleen raashinka oo kale.
Dadkan dhibaataysan ayaa Barakacay degmooyinka Kaaraan,Yaaqshiid,Shibis,C/casiis oo hadda ka socdaan dagaallo madaafiic wata oo diiday in ay Nolol helaan, sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Haween badan ay

Umul raacdeen qaar kalane ay qarka u saaranyihiin in ay Gaajo u dhintaan.
Barakacayaashan ayaa ugu baaqay hay’adaha Samafalka,Uururada Siyaasadda iyo Jaaliyadaha Beesha Mudulood ee dibadda in ay Gargaar walaalnimo lasoo gaaraan Kumanaan qoys ee Gaajada ugu dhimanaya Duleedka Bari ee magaalada Muqdisho.

——————

Xigasho: Raxabreeb.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: