Yuusuf Dheeg “Sheekh Atam Xabada ha joojiyo dagaal faa’iido ma lahane….”.

Posted on Jul 28 2010 - 11:58am by News Desk
Tweet
Pin It

imagesBartamaha (Kampala):- Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada KMG ah ayaa ugu baaqaday wadaadka dagaalka kula jira Dowlada Puntland in uu joojiyo dagaalka.

Yuusuf Xasan Ibraahim Dheeg Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada KMG ah ayaa ugu baaqay Ciidamada Sheekh Atam in ay hubka dhigaan isagoo ka dalbaday Wadaadkaasi in aanu rabashad ka kicin deegaanada nabada ah ee Puntland.

Wasiirka waxa uu sheegay in Wadaadka dagaalka ka bilaabaya Gobolka Bari uu yahay nin deegaanka ah isagoo ka Codsaday in aanu horseed u noqon barakicinta shacabka dagan Magaalooyinka Puntland oo in mudda ah ka nasanayay Colaadaha.

“Sheekh Atam Xabada ha joojiyo dagaal faa’iido ma lahane waa qalad in xiligan uu u soo qalabqaato barakacinta dadka Puntland… waxaan leeyahay dagaal dhib ayuu sii badinayaye ha joojiyo Colaada….” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada KMG ah.

Wasiirka Arimaha Dibada ayaa ka dalbaday Dowlada Puntland in ay wada hadal ugu baaqdo wadaadka dagaalada ka bilaabay deegaanada Buuralayda ah ee Gobolka Bari oo maalin ka hor uu dagaal xoog badan ku dhexmaray Ciidanka wadaadka iyo kuwa Puntland.

Lama oga sida uu uga jawaabi doono wadaadkaasi hadalka Dowlada KMG ah xilli shalay uu dagaal ugu baaqayay shacbiga Puntland isagoo taageera u muujiyay Kooxda Shabaab oo dalka soomaaliya dagaalo ka hurinaysay sanadihii ugu danbeeyay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.