Xukun Tacsiir ah oo Maanta ka dhacay Fagaaraha weyn ee Beerta Xoriyada Magaalada Kismaayo.
Bartamaha(Kismayo):- Xukuni tacsiirta ah oo abaare 5-tii iyo qadar 30 daqiiqo ah ee galabta ka dahcay fagaaraha weyn ee beerta xoriyada ee bartamaha magaalada kismaayo ayaa waxaa lagu fuliyay ilaa iyo 3 nin oo ka tirsan dadka deegaanka ah kuwaasi oo lagu soo qabatay ayagoo moobilada looyaqaano kaamiroolayaasha ka daawanaya filimo iyo Aflaamo kala gadisan oo uu maamulku horey u mamnuucay Ragani oo ka koobnaa ilaa iyo 3 nin oo dhalin yaro ah ayaa 2 kamid ah kiiba  lagu xukumay 25 jeedal 30 iyo 30 bari oo xarig ah halaka kan 3aadna lagu xukumay 20 jeedal iyo 10bari oo xariga ah
Haseyeeshee goobta uu kadhacayey xukun kani tacsiirta ah oo ay ka soo qeyb galeen kumanaan dad ah oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada kismaayo si ay u daawadaan qaabka uu u dhacayey xukunkani tacsiirta ah ayaa waxaa goob joog ahaa masuu,liyiin iyo xubno sar sare oo katirsan maamulka walaayada islaamiga ah ee goboladala jubbooyinka halkaasi oo ay si Aad ah amaankeeda u Adkeynayeen cutubyo katirsan ciidamaad Amaanka ee maamulka walaayada islaamiga ah ee gobolada jubbooyinka waxaana go’aankii maxkamada shareecada islaamka ee adgmada kismaayo dad weynihii halkaasi ka soo qeyb galey kaga hor dhawaaqey mid ak tirsan saraakiisha maxkamada shareecada islaamka ee adgmada kismaayo taasi oo hoos tagta maamulka walaayada islaamiga ah ee Gobolada jubbooyinka
Xukankani galabta lagu fuliyey ragani dhalin yarada ah ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkii igu dembeeyey maamuku uu si kumeel gaar ah u joojiyey xukumadii iyo xadadkii kala duwanaa ee lagu fulin jirey dadka lagu soo qabto fal dambiyeef yaad kaal duwan kuwaasi oo loo hakiyey sababo la xariira bishii barakeysneyd ee ramadaan wxaana ay iminka maxkadu bilowdey howla heedii shaqo
Â
Xafiiska Wararka Bartamaha
Kismayo-Somalia
Comments
comments