read more »">
Calendar

Xukumada oo maanta laga sugayo Madasha Baarlamanka.

breaking-news bartamahaBartamaha (Muqdisho):- Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa maanta laga sugayaa madashada Baarlamanka Soomaaliya oo maanta loo balansanyahay.

Wararka naga soo gaaraya Guriga Umada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi amaanka ay ka adkeeyene Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom kuwaasi oo sugaya madasha maanta oo la filayo in xukumada ay kalsoonida ka dalbato Baarlamanka.

Wadooyinka soo gala Guriga Umada ayaa lagu arkayay dabaabaadka dagaalka ee Amisom oo xiliyada shirarka Muhiimka ay jiraan la soo dhoobo Wadooyinka si ay amniga u sugaan Xarumaha Dowlada.

Xukumada Sharma’arke ayaa lagu wadaa in ay kalsoonida ka dalbato Baarlamanka waxaana saacadaha soo aadan la filanayaa in ay hortagto Baarlamanka oo muddo laga sugayay in ay kalsoonida soo dalbato.

Kalsooni siinta Xukumada ayaa maanta shaki badan uu ku jiraa ka dib markii ay soo ifbaxeen mudanayaal badan oo doonaya in xukumada ay wayso Kalsoonida wallow aan la ogayn waxa ay maanta ku dhaqaaqi doonaan.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:- .

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: