Xizbul Islaam oo guul ka sheegatay Dagaal Shalay Muqdisho ka dhacay.
BARTAMAHA(Muqdisho):-Xizbul Islaam ayaa guul balaaran ka sheegatay dagaal shalay gabal dhicii ka dhacay Caasimada Muqdisho.
Afhayeenka dhanka Dagaalada Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Caruus oo saaka saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay laayeen Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom.
Afhayeenka Dagalada ayaa sheegay in dagaalkii shalay galab dhacay ay qaadeen Ciidanka Xizbul Islaam si ay u dhibaateeyaan AMisom iyo Ahlu sunna.
Dagaalka oo saf balkaaran ahaa ayaa ka dhacay Xaafadaha Taleex,Terbuunka,Shaqaalaha iyo Dabka oo dhammaan ah Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho.
Caruus ayaa sheegay in ay dileen Askar Amisom ka tirsan iyo kuwa Ahlu sunnah oo ay hub ka furteen Ciidanka Xizbul Islaam oo shalay galab dagaalka ku qaaday Xaafadaha ay daganyihiin Ciidanka Amisom iyo kuwa Ahlu sunnah.
ma aha markii ugu horeysay oo ay guul sheegtaan Xizbul Islaam waxaana dagaalada ay ku soo qaadaan saldhigyada Amisom qasaara uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments