Xizbul Islaam oo dib u qabsatay Magaalada Baladweyne.
Bartamaha(B/Weyne):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa dib u qabsatay Magaalada Baladweyne oo ay saddex cisho ku sugnaayeen askarta Dowlada iyo Ahlu sunnah.
Dagaal kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay Xaafado ka mida Baladweyne ayaa sababay in Xizbul Islaam ay dib u qabsato Magaalada.
Ciidamada Xizbul Islaam ayaa ku guulaystay soo gacan galinta Baladweyne markii gurmad xoogan ay ka heshay Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ka dhacay Baladweyne ayaa ahaa mid aan sidaa u buurneyn waxaana daqiiqado kooban magaalada kula wareegay Ciidanka Xizbul Islaam.
Askarta Ahlu sunnah iyo kuwa Dowlada ayaa u muuqday kuwa aan dagaal looga saarin magaalada waxa ayna wajaheen dhanka Buurta Janta kun disho oo dhacda duleedka Baladweyne.
Dadka reer Baladweyne ayaa neefi ka soo fuqday markii Ciidanka Dowlada ay u dareersadeen duleedka Magaalada waxaana laga baqanayay in dagaal faraha looga murxo uu ka dhaco Baladweyne.
Xaalada guud ayaa ah mid dagan waxaana jiray Ciidan ka socday Dowlada oo u ruuqaansaday duleedka Baladweyne kuwaasi oo xilli wlaiba soo laaban kara.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments