Calendar

Xisbiga nabadda iyo horumarka oo xusaay 1 da luulyo kana dhacday magaalada muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga PDP iyo Masuuliyiin kale fanaaniin iyo marti sharaf aad u badan kuwaasi oo ay ka muuqatay qiirad Wadaninimo.

Ugu Horayn ayaa munaasabada waxaa ka hadlay Mudane Maxamed Sheekh Xasan Faqiih oo ah Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Nabada iyo Hormarka, Waxa uu sheegay gudoomiyaha Golaha dhexe in loobaahanyahay in laga wada shaqeeyo xuriyada.

Sidoo kale munaasabadaan Balaaran ayaa waxaa ka hadlay Dr. Nuurto Sheekh Xuseen waxa ayna Sheegtay in maalintaan ay tahay maalin qiimo wayn.

Waxa ay sheegtay in haweyn ka Soomaaliyeed ay kaalin wayn ku lahaayeen xoriyada waxa ayna Tilmaantay in haweyn badan la xiray xiligii xoriyad doonka iyagoo hawanka Soomaaliyeed ay iska Dhibaateesnaayeen.

Marti sharafta halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa sh axmed dhicisow gudoomiyaha majmaca Culimadda soomaaliyed ayaa isna dhinaciisa ka hadlay kalinta ay kulahayeen culimadda halgankii Xoriyadda isla markaasna sheegay iney kaalin buxda ka qateyn gobanimadda .

Ugu danbayntii ayaa munaasabada waxaa ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Hormarka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna ugu hanbalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka iyo dalka ay iminka qabaan dhibaatooyin badan isla Markaana xisbiga Nabada iyo Hormarka uu u taaganyahay in markale la istaajiyo xuriyadii Soomaaliya.

Munaasabadaan maanta ka dhacday magaalada muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga nabadda iyo horamarka ayaa logu tala galay in lugu xuso maalinta israacii gobalada Koofur iyo woqooyi wexeyna ku soo idlaatay jawigii lugu talagalay.

bb1bb 3bb 2xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: