read more »">
Calendar

Xildhibaano laga saaray Baarlamanka Puntland.

7Bartamaha (Garoowe):- Kulan maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa Baarlamanka looga saaray Saddex Mudane oo ka mid ahayd Baarlamanka Puntaland.

Shirka Maanta ay yeesheen Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa waxa ay kala doodayeen Dacwad laga soo gudbiyay Saddex Mudane oo ka mid ahayd Baarlamanka Puntland kuwaasi oo Eedeymo badan loo jeediyayaay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalayay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxaana halkasi hadal ka soo jeediyay Maxamuud Cali Xasan Xeer Ilaaliyaha guud Ee Puntland kaasi oo aqriyay Eedeynta loo jeedinayay Saddexda Mudane.

Mudanayaasha ayaa lagu Eedeeyay in ay abaabuleen Jabhada SSC taasi oo ka dhisan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo ay doonayaan in ay ka go’aan Puntland inteeda kale taasi oo sharciga Puntland ka hor’imaanaysa sida uu Xeer Ilaaliyaha  shaaciyay.

Muddo dood socotay ka dib waxaa Kalsoonida lagala noqday Saddexda Xildhibaan oo kala ahaa:-

Xildhibaan Abshir Cabsi Sheekh

Xildhibaan Cumar Jaamac Saleebaan

iyo Xildhibaan Ibraahim Maxamed Guure.

Saddexda Mudane  ayaa la shaaciyay in ay ka madax banaanyihiin  Baarlamanka Puntland oo si toos ah looga saaray Baarlamanka Dowlada Goboleedka Puntland markii ay Codka x

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: