Calendar

Xildhibaanada Somaliland oo wada qorshayaal ay Mowshin uga geynayaan xukumada Madaxweyne Riyaale.

Hargeysa_memorialBartamaha (Hargaysa) Mudanayaal ka tirsan  Baarlamanka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan abaabolo ay mowshin uga diyaarinayaan xukumada Madaxweye Daahir Riyaale.

Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale oo ah mudane ka tirsan  Baarlamanka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in mudanayaasha  ay dhammaan ka midaysan yihiin in xukunka laga tuuro madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin uu masuul ka ahaa dhibaatadii ka dhacday laba maalin ka hor magaalada Hargaysa isagoo sheegay in madaxweynuhu uu doonayo in xukunka aanu ka dagin.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in mudanayaal uu isagu ku jiro ay wadaan abaabul ay xilka uga qaadayaan madaxweyne Daahir Riyaale islamarkaana lagu soo dadajinayo doorasho sharci ah oo ka dhacda Somaliland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: