Xildhibaanada Baarlamaanka oo Cabsi darteed u shiri waayay.

Posted on Jul 28 2010 - 12:16pm by News Desk
Tweet
Pin It

baarlamanka maantaBartamaha (Muqdisho):- Xildhibaanada Golaha Baarlamanka KMG ah ayaa maalintii Labaad shirka ug baaqday Cabsi dhanka ammaanka ah oo soo wajahday.

Waxaa maanta baaqday kulankii guud ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay sababo xagga farsamada ah u baaqday iyadoo maanta si rasmi ah Xildhibaano badan u cadeeyeen in sababo dhanka ammaanka ah ay u gaari waayeen shirka.

Xildhibaanada ayaa maanta badankood waxa ay ku sugnaayeen Hoteelada ay ka daganyihiin Muqdisho iyagoo iska diiday ka qeybgalka shirka guud Ee Baarlamanka oo shalay u baaqday Cabsi dhanka ammaanka balse maanta ay xildhibaanada cadeeyeen sababta baaqashada kulamada.

Xildhibaan Bashiir Xasan Ismaaciil oo saxaafada kula hadlayay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay ka war heleen dayacaad dhanka ammaanka ah taasi oo ay ogaadeen in ay sabab u tahay baaritaan la’aanta Ciidanka Dowlada.

Xildhibaan Bashiir waxa uu sheegay in dhismaha Guriga Umada uu noqday meel aan ammaankeeda laga taxadarin islamarkaana ay joogaan Ciidanka Dowlada oo xiliga Habeenkii ah ay isaga tagaan dhismahaasi Golaha Shacabka Muqdisho.

Mudanahan ayaa daaha ka qaaday in dhismahaasi aanay ka taxadarin Ciidanka Amisom oo baaritaanada sameeya iyo kuwa Dowlada intaba isagoo xusay in ay jiri karaan walxaha qarxa oo ku dhex duudgan dhismaha Golaha shacabka Muqdisho.

Shakiga iyo Cabsida soo wajahday Mudanayaasha ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli muddo Todobaad ah loo dhawaan waayay dhismaha Golaha shacabka oo si aad ah rasaasta wiiftada ah ay ugu dhacaysay markii Xoogaga Mucaaradka ay ku soo dhawadeen Villa Somalia.

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka ayaa waxa ay ka taxadaraan nafsadooda iyadoo Xildhibaan waliba uu leeyahay ilaalo u gaar ah oo aanay siinin Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya taasi oo muujinaysa dayacaada dhanka amnigooda ah.

Mudanayaal badan ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho Ee Dalka Soomaaliya waxaana xusid mudan in marar badan ay halis galeen dhismayaasha ay ku shiraan oo Islaamiyiinta ay ku garaacaan Hoobiyayaasha taasi oo halis kale u ahayd Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.