Xarakada Alshabaab oo shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso dhexdhexaadin uu horsed ka noqdo Sheekh Xasan Turki.
Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Alshabaab oo maanta saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalkii ka soo yeeray Sheekh Xasan Turki.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxmeed raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Eedeynta uu jeediyay Sheekh Xasan Turki islamarkaana ay ku qanacsanyihiin Xarakadooda dhexdhexaadin uu horsed ka noqdo Sheekh Turki.
Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay in uu jiro khilaaf iyo isfaham daro soo kala dhexgashay Mujaahidiinta Kismaayo taasina xiliyada ugu soo horeeyo xal buuxa loo heli doono.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in hogaamiye Sheekh Xasan Turki uu yahay hogaamiye Islaami ah sharaf iyo qadarinna ku dhex leh Mujaahidiinta loona baahanyahay in xiligan uu xaliyo khilaafka taagan.
Sheekh Xasan Turki ayaa shalay waxa uu weerar afka ah ku qaaday maamulka la sheegay in ay la midoobeen Xarakada Alshabaab isgoo sheegay in aanay marnaba aqbali doonin maamulka ka shaqeynaya Kismaayo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments