Calendar

Xaalada Buuralayda Galgala oo weli kacsan iyo Faroole oo baaq diray.

buuralaydaBartamaha (Boosaaso):- Xaalada guud ee Deegaanada Buuralayda Galgala ayaa aad u kacsan halkaasi oo weli baqdin dagaal laga dareemayo.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Deegaanka Galgala ayaa waxa ay sheegayaa in Xiisad weli ay ka taagantahay dhulkaasi.

Deegaanka Galgala oo ay weli ku jiraan Kooxda uu hogaamiyo Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Atam ayaa waxaa laga baqanayaa in dagaal hor leh uu ka bilowdo.

Deegaankan Galgala oo 35-KM dhanka galbeed uga beegan Magaalada Boosaaso ayaa waxaa Shalay ku dagaalamay Ciidanka Puntland iyo Xoogaga Atam.

Saraakiil sare iyo Ciidan xoog badan oo ka soo baxay Garoowe ayaa barqanimadii maanta u gudbay deegaanka Galgala waxaana halkaasi laga dareemayaa cabsi dagaal hor leh.

Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Faroole oo ka hadlayay Kooxda ku jirta Buuralayda ayaa ku tilmaamay Alshabaab dhul balaarsi doonaysa.

Madaxweyne Faroole waxa uu Caalamka u sheegay in dagaalka ka dhacaya Buuralayda Galgala ay kula jiraan Koox Argagixisa ah isagoo baaq deg deg ah u diray Beesha Caalamka.

Madaxweynaha waxa uu cadeeyay in Kooxdan ay yihiin kuwa doonaya in ay ku awood samaystaan Buuralayda si ay amaanka halis u galiyaan.

Hadalka Madaxweynaha iyo Xiisada weli taagan ayaa noqonaysa mid saamayn balaaran yeelata waxaana laga baqanayaa in dagaalka bilowday uu daba dheeraado.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: