Calendar

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia iyo Wafdi ay horkacaysay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Ottowa (SAWIRRO)



Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada shalay oo ahayd 30-kii  bishii September ee aynu soo dhaafnay.

Wafdiga wasiiradda ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,

Booqashada wasiiraddu ay ku tagtay dalka Canada ayaa waxay qaadanysaa saddex maalmood, iyadoo lagu wado inay maanta oo Talaado ah ay kulan la qaadato wasiirka arrimaha dibadda Canada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.

Fowziyo ayaa waxay noqonaysaa mas’uulkii ugu darrajada sarreeyay oo ka socda dowladda Soomaaliya oo gaara dalka Canada tan iyo markii uu dalku ka baxay xilligii KMG ahaa sannadkii hore.

Wasiiradda ayaa waxay ka mid ahay wafdigii uu horkacayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ku marayya booqashooyin dalal ku yaalla Yurub iyo Mareykanka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: