Calendar

Wariyayaal shil ku dhaawacmay iyo Xaaladooda oo soo hagaagaysa.

shil xunBartamaha (Afgooye) :- Wariyayaal shalay gaaray goob dhagax lagula dilayay Wiil dhalinyara ah gudaha Deegaanka Toorotoorow ayaa shil gaari kula kulmay duleedka Deegaankaasi.

Saddex wariye oo shalay ay kexeeyeen Saraakiisha Xizbul Islaam ayaa shil gaari ku galay deegaanka Toorotoorow Ee Gobolkaasi Sh/Hoose.

Saddex wariye oo kala ah Bashiir Maxamuud Teysiyow, C/risaaq Qoslaaye iyo Wariye Maxamed Cabdi Xasan ayaa dham,maan dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray ka dib markii uu shil galay gaari ay saarnaayeen.

Saddexda wariye ayaa waxa ay shilka ku galeen duleedka Toorotoorow markii ay ka soo laabanayeen fagaare dhagax lagula dilayay Wiil 25-Jir ah oo Xizbul Islaam sheegeen in uu ku dhacay Xadka Sinada.

Wariyayaashan ayaa laba ka mid ah dhaawacooda uu fududyahay halka C/risaaq Qoslaaye la sheegay in xaaladisa ay adagtahay balse uu ka soo yara raynayo.

Isbitaalka Degmada Afgooye ayaa lagu dabiibayaa saxafiyiintaasi dhaawaca uu ka soo gaaray shilkii shalay ku qabsaday duleedka Deegaanka Toorotoorow.

Inta badan wariyayaasha ayaa waxa ay la kulmaan waxyeela kala duwan xiliyada loo qaado goobaha barnaamijyada ay ka dhacayaan ee dalka soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo Wariyayaal tiradaas la eg uu shil ku qabsado Sh/hoose wallow marar badan ay dhaceen wariyayaal ka dhaca gawaarida dagaalka oo ay xiliyada qaar dusha sare ka raacaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: