read more »">
Calendar

Wargelin #26-Imaam Masjid oo diiday inuu nin Marxuum Soomaali ah Jinaasada ku tukado oo aan waraysanay sababta uu go’aankan ku gaaray (VIDEO)

w26Barnaamijka maanta ayaan gebi ku soo qaadanaynaa dhacdo Soomaalida Columbus, Ohio ku nool gilgishay, Soomaalida aduunka ku noolna si dhakhso leh u gaartay sidii caws dab lagu daaray. Haddaba arrintan dhacday ayaa ah mid aan lagu soo koobi karin daqiiqado yar, waxaan go’aansanay in Wargelin aan u hibayno todobaadkan sheekadan ka dhacday Columbus, Ohio.

Imaamka Masjidka Ibn Taymiyah ee magaalada Columbus, Ohio ayaa diiday inuu ku tukado salaada Jinaasada ee lagu tukado muslimiintu markay dhintaan, sababna uga dhigay in marxuumka dhintay uusan salaada tukan jirin sidaa daraadeed ay diintu dhigayso inaan lagu tukan.

Imaamka masjidka oo la yiraahdo Shiikh Aadan Shiikh Cabdulle ayaa waxaa ay usoo sheegeen dad uu aad ugu kalsoon yahay in marxuumka dhintay uusan tukan jirin waa sida uu hadalkiisa u dhigay.  Markii masaajidka la keenay si loogu tukado abaariha saacadda markii salaada casar la tukaday ayuu Shiikh Aadan mikrafoonka qabsaday oo uu weydiiyay dadkii masaajidka joogay hadday jiraan dad markhaati ku furi kara  inay arkeen marxuumkan oo salaada oogaya iyo haddii uu tukan jiray.

Haddaba arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa joogay meesha qoyska marxuumka oo ahaa 6 caruurtiisa ah oo qaangaar ah iyo xaaskiisii hore, sida ay ii sheegeen qoysku Shiikh Aadan muusan warsan wax suaal ah in aabahood uu salaada oogi jiray iyo in kale waxayna ii sheegeen in Shiikh Aadan uu go’aankan kaligiis iska gaaray isagoon cidna weydiin.

Kadib markii Shiikh Aadan uu Mikrafoonka uu dadka ku weydiiyay ayaa waxaa halkaas ka dhacay buuq aad u weyn sababayna in wiil uu marxuumku dhalay ay halkaas gacani kaga jabtay masjidka dhexdiisa.

Waxaanu soo waraysanay qoyska uu marxuumku ka geeriyooday waxayna noo sheegeen in aabahood uu ahaa nin tukada, dad badan oo kalena Wargelin ayay u markhaati fureen oo waxay noo sheegeen inuu tukan jiray.

Haddaba daawadayaal waxaan la fariisanay Imaamka go’aanka gaaray inuusan ku tukan qof Islaam ah sababta uu ku sameeyayna waraysigaan ayay ku jirtaa. (Anagoo uga mahadnaqayna ogolaanshaha uu siiyay in Wargelin lagu waraysto).

Waraysigan ayaa soconaya 30+ daqiiqo ee nala daawada.

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: