War Deg-Deg ah:-Nin maanta lagu gowaracay Isgoyska Cali Kamiin Degmada Wardhiigley Muqdisho.

Posted on Apr 15 2010 - 1:25pm by News Desk
Tweet
Pin It

dBartamaha(Muqdisho):-Kooxo wejiyada soo xertay ayaa dharaar cad maanta duhurnimadii gowracay nin dhalinyara ah oo ay wateen.

Ninka la gowracay ayaa waxaa da’diisa lagu qiyaasay 25-30-jir kaasi oo gacmaha iyo lugaha ka xernaa ka dibna lagu qalay Isgoyska Cali Kamiin.

Ninka la gowracay ayaa waxaa dadka deegaanka ay sheegen in ay arkayeen marka gaariga laga dajinayay ka dibna lagu gowracay wadada hareerteeda.

Madaxa ninka iyo jirkiisa kale ayaa yaala goob ay ku qaleen kooxda wejiga soo xertay oo gaari nuuca raaxada ah ka soo dajiyay ninkaasi ka dibna qalay.

Qof ka mida dadka deegaanka ayaa www.Bartamaha.Com u sheegtay in ay dad badan daawanayeen markii Nafta ka baxaysay ninka lagu qalay Isgoyska Cali Kammin Degmada Wardhiigley.

Gawaarida Bl-ka ah dadka saran ayaa waxa ay ahaayeen duhurnimadii maanta illa agalabta kuwa u dagayay sidii ay u arki lahaayeen maydka sida foosha xun loo gowracay.

Lama garan cidda sida xoolaha oo kale u gowracday wiilkaasi iyadoo shalay la arkay nin lagu gowracay Isgoyaska Bakaaraha Magaalada Mudqisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.