read more »">
Calendar

wakiilka guud ee qarammada midoobe oo sheegtay dagaalada ka socda soomaaliya ay cabad ku yihiin gargaarka bini aadinimo.

Wakiilka xogyahaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadamnimo Valerie Amos ayaa sheegtay in dagaallada ka socda dalka Soomaaliya ay dhibaato ku yihiin sidii Hay’adaha gargaarka ay u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan gargaar bini aadinimo.

Haweeneydan ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaallada la joojiyo si dadka dhibaateysan Loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadanimo ee u baahan yihiin dadka macluusha heysato, iyadoo Xustay in xaalad aad u daran ay ka taagan tahay Soomaaliya.

Sarkaaladdan waxay sheegtay in Qarammada Midoobay ay dadaal u galayso sidii ay u gargaari Lahaayeen dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dadka aan heli karin Cunnada iyo kuwa qaba cudurrada faafa.

Sidoo kale wexee ka hadashay Valerie Amos. Haddii aan nahay hay’adaha gargaarka waxaan Awoodnaa inaan dowladaha ka jira Geeska Afrika ka caawino sidii ay u gargaari lahaayeen Dadkooda, kuwaasoo wax walba oo ay haysteen ku waayay abaarihii ugu darnaa ee ku dhufta Dalalkooda

Dhanka kale waxee rabka ku dhufatay Dagaalladda ka socda qaybo ka tirsan Soomaaliya waxay Caqabad ku noqdeen sidii gargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiin lahaa dadka oo maalin walba u Dhimanaya harraadka iyo gaajo ayay tiri

Sarkaaladaan  oo sheegtay in dowladda KMG ah ay uga Mahadcelinayso dadaalka ay ugu jirto sidii ay u caawin lahayd. 

Ugu dambeyn V. Amos ayaa sheegtay in Qarammada Midoobay ay mar walba diyaar u tahay inay Caawiso dadka ku nool bariga Afrika  gaar ahaan Soomaaliya  waxaa hada ugu daran dalka Soomaaliya oo dad fara badan ay sameesay abaarta dalka ka jirta.  

xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: