VIDEO: Hormuudkii Weerarkii Madaxtooyada
Xasan Muxiyadiin (Bustoolad-Weyne)ayaa ka tirsanaa Shaqaalaha Madaxtooyadda,waxaana uu ka shaqeynayay Xafiis Shirkadda Teleefoonadda Hormuud laga siiyay gudaha Madaxtooyadda, waxaana weerarkaasi uu dhagarqabuhu sheegay inay doonayeen inay ku dilaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed Maxamed.
Haddaba Waxaa khalad weyn ah in Ninkan argagaxisada ah ee danbigan weyn galay in lasoo hor fariisyo TVga, Isagoo qaba funaanada Xulkeena Qaranka ayna ka muuqato deganaan.
Dhagarqabahan ayaa dhiibtay fikirkiisa ku aadan Al Shabaab muujiyayna inuusan wax weyn samayn laguna khasbay falkan.
Ma waxay haboonayd in Hay’adda Sirdoonku ay qol ku xirtaan ninkan weydiiyaanna wax walba mise waxaa haboonayd in TVga lasoo hor fariisiyo lagana dhigo inuu yahay dhibane laga xaqdarnaa.
Comments
comments