Calendar

Ururka Xizbul Islaam oo soo dhaweysay ku biiritaankoodii Gudoomiyihii Maxkamadaha Hiiraan.

Xasan_Mahdi_Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa si diiran u soo dhaweeyay ku soo biiritaankoodii gudoomiyihii maxkamadaha Hiiraan Sheekh Mocow.

Sheekh Xasan  Mahdi oo ka tirsan madaxda Ururka Xizbul Islaam ayaa daaha ka qaaday in ay ku faraxsanyihiin ku soo biiritaankoodii gudoomiyihii Maxkamadaha Hiiraan Sheekh C/raxmaan Mocow.

Sheekh Xasan Mahdi ayaa sheegay in ay jiriin xiriiro in mudda ah u socday Maamulkooda Xizbul Islaam iyo gudoomiyaha Maxkamadaha Hiiraan islamarkaana ay ku faraxsanyihiin in uu ku soo biro Ururkooda Xizbul Islaami.

Sheekh Xasan Mahdi ayaa ugu baaqay dhammaan Madaxda Dowlada in ay ku soo biiraan Maamulkoda islamarkaana ay xaqqa fahmaan sida uu ku dhaqaaqay masuulkaasi Maxkamada Hiiraan Madaxda ka ahaa.

Wadaadkaasi u hadlayay Madaxda Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay filyaan in dhawaan isbadal laga dareemo isagoo sheegay in ay qorsheynayaan sidii dhiiga Soomaalida look ala badbaadin lahaa nabadna ay ku soo laabadn doonaan Kooxaha diidan Xarakooyinka Islaamiga ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: