Calendar

Ururka Caawiye Foundation Trust oo deeq lacago ah gaarsiiyay Dadka ku Barakacay Duleedka Magaaladda Muqdisho.

DSC03793

Bartamaha (Nairobi):- Ururka Caawiye Foundation Trust ayaa maanta Deeqo Lacageed iyo dharba gaarsiiyey Barakacayaasha ku Nool Deegaanka Galgalato iyo Sh. Cali Cabdulle,ee Duleedka Waqooyi bari ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 400-Qoys oo ku Nool Deegaanka Galgalato iyo Sh. Cali Cabdulle, isla markaana ku noolaa xaalad Nolol Xumo oo aad u liidata, ayaa maanta markii la gaarsiiyey deeqdaasi isugu jirtay Lacag iyo Dharba waxay mahad celin balaaran u jeediyeen Ururka Caawiye Foundation Trust iyo Jaaliyada Mudulood ee Magaalooyinka Birmingham iyo London oo iyagu ahaa kuwi u istaagay in ay walaalahooda ku dhibaateysan waqooyiga muqdisho wax ka qabtaan inta karaankooda ah dhibaatooyinka heyta walaalahooda Mudulood.

Madaxa Ururka Caawiye Foundation Trust Abdullahi Omar Adow (fooldheere) oo ka warbixiyay dadka deegaankaasi manta lagaarsiiyay ayaa sheegay in ay Umahad celinayaan walaalahooda deeqda u soo diray ee mudulood ee degan magaalooyinka Birmingham iyo Londan iyo Ururka caawiye Foundation Trust oo deeqda fududeeyey qaabka gaarsiinta iyo qeybinteedaba, hase yeeshee dhibaatada ugu daran ee heysata Qoysaskaasi ay tahay Biyo la’aan. Caafimaad daro, Hu’u iyo Hoy la’aan. Wax dar yeel ahna aanan heysanin. Wuxuuna uga mahad celiyey sida jaaliyada mudulood ee Magaalooyinka Birmingham iyo Londan ay marwalba uga xanuunsadaan dhibaatooyinka soo gaaraya walalahooda Mudulood ee ku nool deegaanadan maanta lagu qeybiyey deeqahaan, iyaga oo mararbadan sidan oo kale dhaqaale u soo gaarsiiyay.
Mudane Fooldheere oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamey iney tahay arin farxad leh in walaalaheen nagu tabarucaan lacago iyo Dhar…waana uga mahad celinaynaa..Waxaana u cadeyneynaa in wax hay’ado samafal oo caawinaana aysan jirin, waxa uuna ugu baaqay dhamaan Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka, Indheergaradka, Dhalinyarada, Haweenka, Dowlada Midnimada Qaran, Ururka Shabaabul Mujaahidiin, iyo waliba Ururka Xisbul Islaam in dhibaatada dadkaasi masaakiinta ahi aana lagu fiirsanin oo cid waliba qaabka ay wax uga qaban karto ay wax uga qabato. Waxa kale oo uu si gaar ahi ugu baaqay iney dhibaatooyinkaasi wax ka qabtaan dhamaan umada soomaaliyeed ee ku nool dunida dacaladeeda gaar ahaan Jaaliyadaha mudulood iney si deg deg ahi ula soo gaaraan kaalmo deg deg ah walaalaha mudulood ee ku dhibaateysan dacalada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa deeqdaasi isugu jirtay Lacag iyo dhar Qeybinteeda warbixin kooban ka bixiyey Wakiilka Ururka Caawiye Foundation Trust ee soomaliya muqdisho C/lle Xuseen Dabajoog oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Deeqdan Lacagta oo gaaraysa 2400$ {Labakun iyo afar boqol oo Doollar} ay u qeybiyeen 400-Qoys kuwaas oo qoyskiiba la gudoonsiiyey min 200,000-kun Sh.so {laba Boqon Kun oo shilin Somalia}. Iyo BAC dhar ah.

C/lle Xuseen Dabajoog ayaa sheegay in deeqdan ay ku tabaruceen Walaalo ku nool Dalka Ingiriiska Gaar ahaan magaalooyinka Birmigham iyo London, una soo mariyeen Ururka Caawiye FoundationTrust, oo xaruntiisa ugu weyn ay tahay dalka Ingiriiska magaaladiisa Birmingham waxa uuna rajo ka muujiyey in sidan oo kale kaalmooyin soo gaarsiin doonaan dadka Barakacayaasha ah ee dhibaatooyinka Nolol xumo ku heysato Daafaha Magaalada Muqdisho oo aan mudooyinkaan wax gar gaar aadaminimo ka helin Hay’adaha Samafalka iyo NGO-yada Maxaliga ahaa.
Waxaa sidoo kale warbixinadaasi is daba jooga ahi ka dib Baaq deg deg ahi soo saarey Mudane Xasan Boolis, Marwo Jawaahir Baarqab, Mudane Xasan Qaasin Goley iyo Mudane Axmed Sheekh Ibrahim oo iyagu ka mid ah howlwadeenada Ururka Caawiye Foundation Trust ay ugu baaqeen Dhamaan Jaaliyadaha mudulood ee ku nool dhamaan dunida dacaladeeda ineysan ku fiirsan dhibaatada heysata walaalahood ee iyagu ka badbaaday Xabadaha Dagaalada Dhamaadlaawayaasha ah ee iyagu nasiibka u yeeshay iney noolaadaan oo wax laga qabto waxna looga taro gaajada aadka iyo aadka ugu baahday deegaanada ay Beeshu degen tahay waxayna si wada jir ahi u soo qaateen aayada kitaabka ilaahay ka mid ah oo ay ka mid yihiin:-
فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ (١١) وَمَآ أَدۡرَٮٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ (١٢)
فَكُّ رَقَبَةٍ (١٣) أَوۡ إِطۡعَـٰمٌ۬ فِى يَوۡمٍ۬ ذِى مَسۡغَبَةٍ۬ (١٤)
يَتِيمً۬ا ذَا مَقۡرَبَةٍ (١٥) أَوۡ مِسۡكِينً۬ا ذَا مَتۡرَبَةٍ۬ (١٦)
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ (١٧)
أُوْلَـٰٓٮِٕكَ أَصۡحَـٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ (١٨

Taasi oo micnaheedu yahay:
” Maxay dadku isugu qaadeyn iney buurta fuulaan oo iyadu dhibaato badan, maxaad ka og tahay waxay buurtu tahay, fuulida Buurtu waa Qoor la xureeyo, ama Quudin maalin baahi iyo gaajo u saaxiiba, ama agoon la quudiyo oo qaraabo u saaxiiba, ama miskiin gaajo iyo darxumo darted dhulka la jiifo oo inytaasi ka dib ka mid ahaada kuwa ilaahay rumeeyey isuna dardaarmey samirka iyo naxariista, kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa kitaabkooda laga siinayo midigta”.

Waxaana aayadu cadeyneysaa caawinta qaraabada iney iyadu leedahay Laba ajir ee dadyohow isku daya inaad walaalihiina ku daawanina dhibaatada heysata idinkoo waliba wax ka qabadn kara, maxaa yeelay maalinta qiyaame waa leys weydiin doonaa waana leyska abaal marin doonaa wixii qof waliba maanta ka geysato walaalihiisa dhibaatadu soo gaartay.
————————
Contact. Abdullahi Fooldheere.
www.caawiyeft.org
[email protected]
[email protected]
Tell. +44 7956229091.

Sawiro Kalle oo dheeraad ah halkan Hoose ka daawo.

DSC03748

DSC03732

DSC03770

DSC03661

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: